Askar Amisom Ah Oo Laga Helay Covid-19

Health

Ilaa 37-Askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom ee ka howlgala Somalia ayaa la sheegay in laga helay Cudurka Caabuqa ee Safmareenka ah ee Coronavirus, sida laga soo xigtay ilo wareedyo…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in 30-Askari oo ka mid ah Ciidamada Amisom una dhashay Dalka Yugandha iyo 7-Askari oo ka mid ah Qeybta Ciidamada Burundi, Ciidamadaan ayaa ah kuwo ku sugan Xarunta dhexe ee Amisom Xalane.

Warar kale ayaa sheegaya in jiraan tiro kale oo Ciidamo ah oo lagu tuhmaayo iney qabaan Cudurka Coronavirus, waxaana ku socda Baaris dheeri ah, Waxaana aad u weyn cabsida laga qabo in tirada Askarta ay Sare u kacdo, wallow xaalad go’doon ah la geliyay Xarunta Xalane.

Askarigii ugu horeeyay ee laga helo Cudurka ayaa la sheegay inuu ka howlgalaayay Dekeda Magaalada Muqdisho, Ciidamada Amisom ayaa ka soo kala jeeda dalalka Uganda, Burundi, Kenya Ethiopia iyo Jabuuti.

33580cookie-checkAskar Amisom Ah Oo Laga Helay Covid-19