Bukaanada (Dadka) Qaba Xanuunada Albiinada oo la Kulmaaya Takoor Bulsho..

Health Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujinaya in Dadka qaba xanuunka Albiinada ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa wajahaya takoor ku saabsan midabkooda, taasoo keentay iney saamayso nolol maalmeedkooda, Waxaana ku adag inay shaqo iyo waxbarasho helaan si la mid ah bulshada inteeda kale…

Albinism-ku waa xaalad lagu dhasho oo ku jirto qeyb ama gebi ahaanba maqnaanshaha midabka maqaarka, timaha, iyo indhaha, Waa xaalad naadir ah oo la iska dhaxlo, taasoo ay carruurtu ku qaadi karaan haddii labada waalid ay qabaan, Waa mid aan la kala qaadin, taasoo la macno ah in qofka qaba uusan u gudbin karin qof kale sida ay u sheegeen Dhakhaatiirta Cafiimaadka qeybta cudurrada guud.

Balse Waxaa ka maqan oo ay ja gaabiyern kaalintii Wacyi gelinta ee Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada, kuna saabsan xaaladda caafimaad ee dadkaasi oo mugdi badan la galiyay, maaddama aan bulshada loo sharraxin takoorkana oo ay keenayso aqoon la’aan.

Cudurka Albinism-ka haddii aan ka waramo maahan cudur la is qaadsiiyo. Ma lagu kala qaado cundhuufta, taabashada ama in cunto la wada cuno, cudurkaan wuxuu ku yimaadaa xaalad hido-side ah ama Genitag ah mana faafo, Arintaasi maahan mid la xariirta cudurka waa in Dadka ay siddaasi u fahmaan oo la siiyo wacyigalin.

Lama oga ilaa hadda tirada rasmiga ee Dadkaan cudurkaan qaba ee jooga Caasimada iyo guud ahaan Dalka, Dadka aan la kulannay waxaa ka muuqday duruufo gaar ah oo ay ka mid tahay dhibaato uga imaanaysa cimilada isbeddelaysa, Xilliyada qaar waxaa ku adag inay xoogsi tagaan kulaylka cadceeda oo uusan u adkaysan karin maqaarkooda awgeed.

264870cookie-checkBukaanada (Dadka) Qaba Xanuunada Albiinada oo la Kulmaaya Takoor Bulsho..