Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Laayay Qoyskiisa

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dable ka tirsan Xoogaga Jidbeysan Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo xalay Xasuuqay Hooyadiis oo agoonimo ku soo korisay, Walaalihiis iyo Caruur kale ay ku jirto Gabar 4-sano jir ah, kadib markii uu Bam-gacmeed uu u adeegsaday, iyadoo uu muran soo kala dhex galay…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Askarigaan oo magaciisa lagu sheegay (Nuuraaye Khaliif), dhalinyarada ah ayaa Ciidamada ka hor wuxuu ka xoogan jiray Suuqa Xamar Weyne (Qeybta Mobile la dhaco lagu gado), qoyskiisa ayaa degenaa xaafada Cali Kamiin Ee Degmada Wardhiigley, wuxuuna xalay isagoo saqraansan tagay guriga hooyadiis, muran xoogan kadib ayaa la sheegay in laga qaaday Qorigii uu watay, kadibna Bam/gacmeed ayuu ku dhex tuuray Guriga, waxaana ku geeriyooday 7-qof oo Hooyadiis, walaashiis (Xuseen iyo Deeqo Khaliif), iyo caruur ay dhaleen.

Dadka Deriska Ayaa xaqiijiyay in Askarigaan u geystay Dhibkaasi, kadib Dabley kale oo Saaxiibo la ahaa Ayaa Isbitaalka ugu tagay waxeyna isku dayeen iney xoog ku furtaan, iyagoo hanjabaado u jeediyay Dhakhtarkii xiligaasi shaqada lahaa iyo Shaqaalaha Caafimaadka, wuxuuna ku xiran Isbitaalka xiligaan, iyadoo Ciidamada Baarista Dembiyada (CID) ay bilaabeen baarista Falkaan argagaxa leh.

74580cookie-checkAskari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Laayay Qoyskiisa