Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan B/Weyne

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u sheegay in Xiisado colaadeed ay ka jiraan Degmada B/Weyne iyo dukeedkeeda, kadib markii Maleeshiyaad degaanka ka soo jeeda ay diideen in lagu qabto Magaalada Xaflada caleemo Saarka Madaxweynaha Hir-shabelle…

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Maleeshiyaad degaanka ah oo aad u hubeysan ay isku balaariyeen Duleedka Magaalada B/weyne, waxeyna shalay ka hor istaageen inuu ka degto garoonka diyaaradaha Mr.Cali Guudlaawe oo garabka Farmaajo u magacaabeen inuu Madaxweyne ka noqdo Maamulka Hir-Shabelle.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in jug xoogan iyo rasaas kooban oo daba joogtay laga maqlay gudaha Magaalada B/weyne, Wararka ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid ka mid ah xeryaha ciidanka dowladda ee ku yaala galbeedka magaalada.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney u dhaxeyso Maleeshiyaad daacad u ah Horjooge Yuusuf Dabageed iyo kuwa deganka oo diidan Maamulka Guudlaawe, iyadoo ay qorsheyneyd in shalay lagu qabto Magaalada B/Weyne xafladii lagu kala wareegaayay Xilka Maamulka Hir-shabelle.

74550cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan B/Weyne