Baaqyada Doorashada Ee Beesha Caalamka Iyo Dowladda Oo Ka Biyo-Diiday

Somalia news

Kulan balaaran oo shalay Ku dhacay muqaal Arafat fog una dhaxeeya Wakiilada Beesha Caalamka (27-Danjire), Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha DG, ayaa looga dooday Khilaafka hareeyay Guddiyada lagu muransan yahay ee Doorashada iyo sida loo xali karo…

Inkastoo RW Roble soo dhoweynayo ciddii qabta cabasho si loo xalliyo dhibka ay sheeganeyso, haddana waxaad moodaa in RW Roble aqoonsaneyn kaalinta dastuuriga ah ee Mucaaradka siyaasadda ku leeyahay habka iyo hannaanka doorashada dadban iyo baaqyada caalamka ee isdaba jooga ahaa ee dalalka taagera Somalia, uguna dambeeyay kii ka soo baxay shirkii IGAD.

https://fb.watch/2Fcb0hOofa/

RW Roble ma xusayo mana garawsana sababta kallifay in beesha caalamka iyo bulshada Ra’yidka ugala hadlayaan arrimaha doorashada, iyo welwelka jira iyo tallaabooyinka laga sugayo.

-Beesha Caalamka waxay soo jeediyeen in khilaafka Doorashada la xalliyo

-In Amniga Degaanada Garbaharey, Baraawe iyo Beledweyn in uusan sugnayn kana hooseeyo heer Doorasho oo loo dhan yahay.

-In Beesha Caalamku aysan taageero dhaqaale iyo Farsamo ku bixineyn doorasho aan loo dhameyn

-In xal loo helo khilaafka taagan si wada oggol ah.

Haddaba, Xukuumadda Somalia maka go’an tahay qancinta dadka saluugsan Guddiga Doorashada 20/21?

82430cookie-checkBaaqyada Doorashada Ee Beesha Caalamka Iyo Dowladda Oo Ka Biyo-Diiday