Magaalada Gaalkacyo Iyo 3-Maamul Ee Kala Haga

Somalia news

Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa muddo dheer waxey magan u aheyd xarig jiid u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxeyna talaabadasi horseeday iney ka faa’iideystaan Kooxaha argagixisada ee Shababka, kuwaasoo ku guuleystay iney Maamulaan Xaafada Garsoor ee Magaalada, iyadoo inta badan Dadka degaanka ay la dhacsan yihiin Afkaarta Marxuum Sheekh Nuur Cali Coloow…

Hase yeeshee, Sanadihii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in Xubno qaali ku ah Maamulada labada Dowlad Goboleed iyo Dadka degaanka ayaa ku naf waayay weeraro qorsheysan oo sida Sirdoonada tilmaamayaan laga soo diyaariyay Xaafada Garsoor isla labada qeybood Ee kale Ee Magaalada laga fuliyo Qaraxyada, iyadoo la adeegsanaayo shaqsiyaad degaanka ah.

Qaraxyada an Ayaa kii ugu dambeeyay waxaa ku naf waayay Saraakiil Ciidamo (Danab) oo labada dhinac ka soo kala jeeda, waxaana falkaasi uu soo dedejiyay in Kulamo aan loo kala kicin ay yeeshaan Saraakiisha Amaanka Ee Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxeyna isla meel dhigeen go’aan ah in meel looga soo wada jeesto Kooxaha nabad diidka ah iyo shasiyaadka degaanka ka soo jeeda Ee fuliya Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheysan.

Ciidamada Amaanka ee Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabtay jawaan laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay sheegeen Wasaaradda Amniga Galmudug.

Wasaaradda Amniga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in walxahaasi qarxa la qorsheynayay in laga sameeyo miinooyinka lagu dhejiyo gaadiidka.

82480cookie-checkMagaalada Gaalkacyo Iyo 3-Maamul Ee Kala Haga