Is-Rasaaseyn ka Dhacday Magaalada Garoowe & Sababta ka Dambeysa…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Dagaal la osku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda saaka agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada iyo kontaroolka bari ee magaaladaasi, kaasoo la sheegay inuu dhaliyay khasaare…

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo socda muddo saacado ah uu bilowday xalay saqdii dhexe markii ay fooda is dareen Xoogag taageersan Deni oo galbinayay agabka doorashada Goleyaasha Degaanka ee gobollada Bari iyo ciidamo taageersan Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo ka soo horjeeda doorashada uu Maamulka gadaal ka riixayo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaan taasoo soo kala gaaray dhinacyadaan iska hor imaadka dhex maray, iyadoo Askarta waxyeelada soo gaartay ay badan yihiin kuwa Badda ee PMPF ee ay maalgeliso Dowladda UAE, waxeyna ilaa hadda labada dhinac isku horfadhiyaan duleedka magaalada.

Talaabadaan ayaa waxey ka dhashay xiisado muddo dheer soo taagnaa iyo diidmo xoogan oo laga muujiyay Hanaanka uu Maamulka u wado Doorashada Golayaasha Degaanka Siyaasiyiin degaanka ah iyo qeybo ka mid ah Bulshada iyagoo muddo ka digaayay iney horseedi karto xadilooni darro siyaasadeed iyo Qalaaar.

256040cookie-checkIs-Rasaaseyn ka Dhacday Magaalada Garoowe & Sababta ka Dambeysa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com