Hogaanka Hey’adda SODOM Oo lagu Eedeeyay Xatooyada Deeqaha Gargaarka & Wax Qabad La’aanta Dowladda..

Somalia news

Inkastoo dhaca iyo boobka Deeqaha Gargaarka ee lagu eedeeyo Saraakiisha sare ee Hey’adda SODMA ay nasiib darro tahay, hadana waa arrin ku soo noqnoqotay Somalia, waxaa soo ifbaxay qallooc cusub iyo eedeymo farta lagu fiiqaayo Hogaanka Hay’adda iney ka gaabisay cadaalad u qeybinta gargaarka…

Dhawaan ayeey aheyd markii kolonyo Gaadiid Deeq siday oo laga qaaday bakhaarada magaalada Muqdisho, si loo gaarsiiyo Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ayaa warar aan ka helnay xubno ku sugan Mahadaay iyo Jowhar waxay sheegayaan in saddex maalmood kadib weli aan la gaarsiin gargaarkii loo ballan qaaday Shacbiga Degaanka Mahadaay.

Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada magaalada Mahadaay ay xaqiijiyeen in Shixnadaasi la leexsaday, kadib markii Xaflad igu sawir ay u qabteen Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gargaarka Mr. Cumar Maxamed, Gudoomiyaha Gobolka Axmed Meyre Makaraan iyo Gudoomiyaha Degaanka Saalax Wiish, iyadoo Shixnada Gaadiidkaan lagu soo bandhigay Tuulada Qurac Madoobe 15-kii Bishaan.

📸 Look at this post on Facebook https://fb.watch/p0RzRDieUe/?mibextid=WC7FNe

Ilo wareedyo loo qaatern ah oo magacooda ka gaabsaday arrimo Amaan ayaa sheegay in 20-Gaadiid ah oo Gargaarka siday dib loogu celiyay Magaalada Mogadishu waxaana lagu dejiyay Bakhaaro ku yaal Suuqyada Bakaaro iyo iyadoo halkaasi lagu iibiyay xilki habeen saq dhexe ah, Dowlada iyo Hey’adaha Amaanka iyo Hantidhowrka oo lagu eedeeyay ineysan wax ka qaban.

294230cookie-checkHogaanka Hey’adda SODOM Oo lagu Eedeeyay Xatooyada Deeqaha Gargaarka & Wax Qabad La’aanta Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com