Banaanbaxyo Rabshado wata Oo La Dhacay L/caanood

Somalia news

Wararka ka imaanaya magaaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay muddaharaad rabshado wata, kuwaasoo ay dhiiri gelinaayeen Dadka rayidka ee degaankaasi ku nool, waxeyna cabasho ka yihiin Maamulka Magaalada…

Wararka ayaa sheegay Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhalinyarada Magaalada, iyagoo ku dhawaaqayeen ereyo ka soo horjeeda Maamulka, waxeyna sheegeen inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada laas-Caanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Xoogaga Amaanka Somaliland.

Xoogaga Amaanka ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in banaanbaxa ay dad ku dhaawacmeen.

154700cookie-checkBanaanbaxyo Rabshado wata Oo La Dhacay L/caanood