Hogaanka Gadoodsan Ee PSF Oo Qaarkood Dhufeysyada Ka Soo Baxay

Somalia news

Maamulka Puntland ayaa la sheegay iney ku guuleysteen kala furfurida Xoogaga Hubeysan ee PSF ee Dhufeysyada uga jira Xarunta Hey’adda, Hogaanka Xoogagaan ayaa lagu tuhmaayo iney xiriir wada shaqeyn kala dhaxeyso Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, isla markaasna dhaqaale aan badneyn u diray…

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Maamulka Hey’adda Hubeysan Ee PSF Oo aan Xoogaga Hubeysan muddo (1) sano ah aan wax gunno ah siinin Ciidamada hoose yimaada, kadib markii ay CIA ka joojiyeen dhaqaalihii la siin jiray kadib markii ay diideen iney ku biiraan Guutada Danab ee CXD, dhaqaale yaraanta ayaa la sheegay in Hogaanka Ciidamadaan ay isku dhiibaan Villa Somalia, lana oggoleysiyay iney carqaladeeyaan Doorashada Degmada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegay in Agaasimaha Cusub Ee Hey’adda PSF Mr.Amiin Xaaji Kheyr ayaa Xarunta KMG ah Ee Hey’adda wuxuu ku soo dhoweeyay G/Sare Cabdiraxman Ilig Kuxigeenka PSF, Cabdirisaaq Cali Duulane (Garadka) iyo 50 Askari Oo Gaadiid dagaal ku hubeysan kuwaasoo soo baneeyay Dhufeysyadii ay kaga jireen Xarunta Hey’adda Ee Xaafada Ridwaan.

Talaabadaan ayaa u muuqata in Hogaanka Puntland mid ay kaga baaqsanayaan dagaal ka dhaca Magaalada Boosaaso Oo Maalmihii ugu dambeysay gelisay xaalad cabsi dagaal iyo abaabulo Ciidamo iska soo horjeeda, iyadoo sidii kale fashil ku ah Maamulka Villa Somalia Oo magaalo xasiloon isku dayay inuu dagaal ka abaabulo.

154660cookie-checkHogaanka Gadoodsan Ee PSF Oo Qaarkood Dhufeysyada Ka Soo Baxay