Hogaan Jilicsan & Musuq Oo Looga Digay Ciidamada Somalia

Somalia news

Maalmo kadib markii weeraro qorsheysan ay Maleeshiyadka kooxda Shababka ku qaadeen bar-kontrol oo ku taal degaanka Janaay Cabdalla oo 60-KM u jirta magaalada Kismaayo, isla markaasna dhaawacyo iyo dhimasho loogu geystay Ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah, ayaa Safaarada USA soo dhigtay barteeda Bulshada (Twitter-ka), iyagoo taageeray in dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada Somalia….

Hase yeeshee waxaa lagu xusay qoraalka in musuqmaasuq, Eex iyo Qaarabo-kiil ay dhaawacayaan dib u habeynta iyo horumarka, waxeyna wiiqeysaa Amniga Somalia, iyadoo ay xoojineyso Cadowga Dalka, ayaa lagu sheegay qoraalka.

Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah, sidoo kale qoraalka ayaa u muuqday farriin toos ah oo ku socday Milateriga Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka DANAB ee uu Mareykanka tababaro.

Sidoo kale waxaa dhowaan is casilay Mas’uulkii qeybta dib u habeynta amniga u qaabilsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ka cabanayay faragelin uu sheegay inuu uga imaanayay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Halista ugu weyn ee amaanka ayaa Khubarada ku sheegeen iney yihiin kooxaha Argagaxisada ee Shababka iyo Daacishta, waxeyna ruumeysan yihiin in isla xisaabtan la’aan iyo Hogaan Jilicsan ay qeyb ka tahay arrimaha u nugliyay Maleeshiyaadka iney weeraro joogto ah qaadaan.

59770cookie-checkHogaan Jilicsan & Musuq Oo Looga Digay Ciidamada Somalia