Baraha Bulshada Oo Qeyb Ka Noqotay Dhibaatada Naceybka Ku Dhisan

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay Kooxaha u dooda Xuquuqda Wariyayaasha ayaa sheegaya in Baraha Bulshada ay sanooyinkii ugu dambeeyay ay ku sifoobeen aaladaha laga dhiiri geliyo hanjabaadaha dilka xambaarsan, Cabsi gelinta Wariyayaasha iyo eheladooda, dhiiri gelinta Dembiyada abaabulan…

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), ayaa welwel xoogan ka muujiyay isticmaalka khaldan Ee Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook oo qeybta (Facebook Community Standard), iyadoo kooxo abaabulan ay dacwooyin been abuur ah u gudbiyaan si loo xiro Accounts ka aragti duwan, Waxaa la sheegay in Howlahaan ay ku lug leeyihiin Xafiisyada Qeybta Warfaafinta ee Madaxtooyada Villa Somalia, iyagoo dhaqaale ku bixiya.

Wararka ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijiyay in 6-dii bilood Ee ugu dambeysay ilaa 50- wariyayaal iyo Shaqaalaha Warbaahinta lagu dhibaateeyay Baraha Bulshada, waxaana la sheegay in tiro wariyayaal ah ay ka baxsadeen Dalka kadib markii hanjabaado dil, Xarig iyo Afduub loo gudbiyay, Wariyayaashaan ayaa ku nool intooda badan Magaalooyinka Ankara iyo Istanbul Ee Dalka Turkiga halka kuwo kale ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi Dalka Kenya.

Dowladda Federaalka ayaa si qarsoodi ah u dhistay una howlgelisay kooxo (Groups) qarsoodi ah, kuwaasoo loogu tala galay in lagu muquuniyo, cabsi geliyo kuwo dhaliila Saraakiisha Dowladda Federaalka m, nasiib darro Facebook wax talaabo ay ka qaaday majiraan kooxaha qaswadayaasha ah Ee laga biilo Madaxtooyada Villa Somalia.

16-Akoon oo Facebook ayaa la xiray ama la tirtiray Sanadihii 2018-19, kadib markii warbixino ay ku daabaceen Akoonadooda sida laga soo xigtay Hey’adda Amnesty International , waxaa kaloo la diiwangeliyay Akoono la jabsaday oo ay leeyihiin ilaa 5-Wariye, halka 4 akoon kale oo jabsaday ay iska aamuseen.

116580cookie-checkBaraha Bulshada Oo Qeyb Ka Noqotay Dhibaatada Naceybka Ku Dhisan