Wareegto Lagu Amray Howlgalada Ciidamada Boliiska

Somalia news

Qoraal uu soo Taliyaha Ciidamada Boliiska ayaa lagu faray Dhamaan qeybaha kala duwan Ee Boliiska iney ku ekaadaan shaqadooda oo ah amaanka Muwaadinka iyo hantidiisa, si wanaagsana ula Dhaqmaan Shacbiga Soomaaliyeed, Amarkaan ayaa soo baxay kadib markii Awoodii Ciidamada Dowladda la wiiqay…

4-tii sano ee u dambeysay ayaa dhaqan ahaan Waxaa Ciidamada Dowladda Federaalka ku milmeen Siyaasada iyagoo aalad wax caburisa u noqday Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, waxeyna horseeday in guud ahaan burbur uu ku yimaado Howlihii loo igmaday.

Waxaa weli mugdi iyo shaki ka taagan yahay Ciidamada gaarka u tababaran Ee Haramcad oo toos uga amar qaata Madaxtooyada Villa Somalia, ayna fuliyaan howlgalo ka baxsan Shaqada Ciidamada Boliiska, Ayaan weli kala caddeyn halka ay ku dambeyn doonaan bacdamaa aysan ku dhaqmin xeer hoosaadka Ciidamada Boliiska.

116540cookie-checkWareegto Lagu Amray Howlgalada Ciidamada Boliiska