Doorashadii ka dhacday degaanada Somaliland 31-May ee Sanadkaan oo weli lagu guda jiro tirinta Cododka, ayaa waxaa soo shaac baxaaya warbixino la xiriira in Beel ka mid ah kuwa dega Gobolka Sanaag ay qaadaceen iney ka qeyb galaan tartanka Xildhibaanimo..
Kuraasta Aqalka Wakiilada oo tiradoodu ay gaareyso 82-xubnood, ayaa natiijada Doorashada la shaaciyay ilaa hadda 52- kursi iney xisbiyada ku kala guuleysteen, siyaasi ka tirsan kuwa degaanka ayaa sheegay:-
Kuraasta (12) Gobolka Sool ayaa la sheegay in loo kala guuleystay 7-Xildhibaan Beesha Isaaq, 4-Beesha Dhulbahante iyo hal Beesha Fiqi-shinni, waxeyna Doorashada ka dhaceen Magaalooyinka Laascaano, Ceynabo Xudun iyo Taleex.
Gobolka Sanaag, ayaa la soo werinayaa in Beesha Warsangeli ay gebi ahaan qaadacday iney ka qeyb galaan tartanka Doorashada, waxaana la sheegay in Talaabadaasi ay u sahashay in Beesha habarjeclo ay wada qaataan 5-tii xubnood, faderxadaan ayaa la sheegay iney dhaawac weyn u geystay Ku kalsoonaanta Doorashada, Mr.Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa weydistay Odayaasha Dhaqanka Ee Beesha Warsangeli iney Soo magacawdaan Xildhibaano degaanka.