Shacbiga Magaalada Mogadishu Oo Quus ka Taagan Maamul-xumida & Adeega hoose ee Shirkadda BECCO

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Macaamiisha Shirkada Korontada ee BECCO iyo Maamul xumo ragaadisay, Shacabka Magaalada ayaa sidoo kale wajahaya koronto xumo la xiriirta Shirkadda oo maalin kasta baxda dhowr jeer, xili lagu jiro bisha Ramadaan iyadoo markiiba ka maqnaataa muddo saacado ah…

Wararka ayaa sheegaya in Koronto xumadan oo bilaabatay bilihii ugu dambeeyay, iyadoo ay sii xoogeysatay maalmihii u dambeeyey, waxayna saameysay xaafado badan goobo ganacsi, isbitaalo, hotelo iyo adeegyo lale oo lagama maarmaan u ah bulshada.

Waxaana bixitaanka joogtada ah mararka qaar ka dhasha khasaare hantiyadeed iyo shaqooyinka ku tiirsan korontada oo hakad u gala, Anigoo Wiish (lifte) la socda ayeey korontadii baxday, mana gaarin qeybtii aan ka doonayey dabaqa sare, waxaan halkaas ku xayirnaa muddo ka badan 50 daqiiqo” ayuu yiri Xassan Cali oo ka mid ah shacabka oo ka hadlayey saameynya koronto xumida shirkada BECO.

Hadal heynta ugu badan Magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada ayaa noqotay korontada tag-tageysa maalin kasta ee shirkadda Beco oo ah mida ugu weyn shirkadaha bixiya adeegga korontada ee magaalada Muqdisho, waxeyna Macaamiisha ku soo qortaan kharash aad u badan, iyadoo shaki laga muujiyay Mashiinada xisaabiya Dabka.

250030cookie-checkShacbiga Magaalada Mogadishu Oo Quus ka Taagan Maamul-xumida & Adeega hoose ee Shirkadda BECCO
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com