Beeralayda Qaadka Kenya oo Dalbaday in la kordhiyo Qiimaha & Sababta…

Africa News Business Somalia news

Bayaan ay soo saareen Ururka Beeralayda Qaadka ee dalka Kenya ayaa ku dalbaday in qiimaha Qaadka loo iib gaynayo Somalia lagu kordhiyo Sh300 halkii kiilo, Dhoofiyayaasha Qaadka ayeey ka codsadeen in lagu cadaadiyo in ay bixiyaan ilaa 200,000 oo ah Shilinka Kenya halkii jawaan oo jaadka nooca Griid ah…

Go’aankaan ayaa ka dhashay kadib markii ay ogaadeen Guddiga Ururka Beeraleyda in in halkii kiilo Qaadka ah lagu kala iibsado suuqyada magaalada Muqdisho ilaa Sh5,700, halka beeraleydu ay helaan kaliya Sh300, Waxeyna weydiisteen dhoofiyayaasha iney beeraleyda u qoondeeyaan Sh1,000 oo dheeri ah, Waa wax lala yaabo in kharashka gaadiidka lagu geeyo Muqdisho uu ka badan yahay Sh3,000 halkii kiilo.

Iyadoo Guddiga Beeraleyda iyo Ganacsatada Qaadka ee Degaanka ay isla garteen iney sii wadaan xayiraada iyo joojinta dhoofinta qaadka ilaa laga fulinayo dalabkooda, waxeyna intaasi raaciyeen iney diyaar u yihiin iney u dul qaataan dhibaatooyinka dhaqaale si ay u helaan qiime caddaalad ah.

Guddiga Qiimeynta Jaadka ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA) ayaa aqoonsaday cabashooyinka Beeraleyda iyo Ganacsatada, iyagoo xaqiijiyay iney la kulmeen dhinacyada ay quseyso, isla markaana ay soo jeediyeen Nidaam cusub oo qiimeyn ah.

360540cookie-checkBeeralayda Qaadka Kenya oo Dalbaday in la kordhiyo Qiimaha & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *