Mareykanka Oo Ka Baaqsaday inuu Martiqaad u diro Abiy Axmed

Africa News

Ilo wareedyo Diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Maamulka Biden ee Washington ay ka baaqsadeen iney martiqaad u diraan Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, Kulanka Balansan ee USA-Africa 13-15 Decembar 2022-ka kaasoo lagu wado inuu ka qabsoomo Caasimada Mareykanka..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweynaha Mareykanka Mr.Biden uu axadii Warqad casumaad ah u diray Madaxweynaha Ethiopia Mrs.Sahle-Woke Zewde, oo aan dooran Shacbiga Ethiopia, inta badan Madaxda Aduunka ayaa u aqoonsan Ra’iisul wasaaraha Ethiopia inuu yahay Hogaamiyaha Dalkaasi.

Siyaasad liidata ee Laba wajileynta ku dhisan ee Washington ayaa ka fogeysa Wadamada soo koraaya gaar ahaan kuwa Qaaradaha Africa iyo Latin-America kuwaasoo xiriir dhow la sameeyay China iyo Russia, martiqaadkaan ayaa noqonaaya mid sii xumeeya Xiriirka labada Dal inkastoo 22-kii Bishaan ay wada hadleen Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee USA iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

228220cookie-checkMareykanka Oo Ka Baaqsaday inuu Martiqaad u diro Abiy Axmed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com