Maxey Yihiin Caqabadaha Hortaagan Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Konfur Galbeed

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya caqabado hortaagan qabashada Shirka dib u heshiisiinta oo ay ku heshiiyeen 17-kii December 22-kii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Konfur galbeed laguna balamay in la qabto 5-ta Janaayo 23-ka…

Kadib 19-maalmood oo dadaalo iyo wada hadalo hoose ay socdeen, ayaa ku qabsoomi waayay wakhtigii loo mudeeyay mana jirto cid ka hadashay 3-da dhinac, ilo wareedyo ayaa sheegay in weli uu taagan yahay kala shaki, isu tanaasul la’aan iyo daacad darro, ku darsoo gacan 4-aad ayaa wada dadaal lagu xagal daacinaayo inuusan qabsoomin Shirkaasi.

Baajinta Safarka Turkiga

Xogo loo qaateen ah Warsidahaan u sheegay in Madaxtooyada Somalia ay culeys ku saartay in Mr.Lafta gareen uu baajiyo Safar uu ku tegi lahaa todobaadkaan Dalka Turkiga, iyadoo kooxaha taageersan Mr.Lafta gareen ay aaminsan yihiin in dib u dhacyadaan ay wakhtiga ku dili karaan waxeyna qorsheeyeen in mudada sanadka ah ku dhameeyaan ila meereyso.

Ilaalada Kooxaha Mucaaradka

Maadama uu khilaafka labada dhinac gaaray gacan ka hadal, ayeey kooxaha Mucaaradka waxey dalbadeen in Ilaaladooda loo oggolaado iney la tagaan magaalada Baydhabo, waana qodobo ka mid ah arrimaha horseeday una baahan in xal laga gaari, iyadoo Mr.Gareen uu aad uga soo horjeedo in Ciidamo hubeysan laga dejiyo magaalada Baydhabo.

235530cookie-checkMaxey Yihiin Caqabadaha Hortaagan Qabashada Shirka Dib u Heshiisiinta Konfur Galbeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com