Beesha Caalamka Oo Welwel Ka Muujisay Qorshaha Farmaajo

Somalia news

Kadib markii ay Caalamka ay shalay ka soo saareen warkii ugu horreeyay Kulankii Muqdisho ku dhex maray Hoggaanka DG & DF uu matalaayay MW Farmaajo ayaa waxaa shalay shir dhex maray qaar ka mid ah Danjirayaasha wadamada Beesha Caalamka & MW Farmaajo la isku af garan waayay, wuxuuna MW Farmaajo uga digay Safiirada in aanay caqabad ku noqon geeddi socodka doorashooyinka…..

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Mr.Farmaajo u sheegay “Ineysan Marnaba soo dhaweyn doonin muddo kororsi, isla markaana aanay aqoonsan doonin doorashada haddii bey yiraahdeen ay arkaan in qaab musuq ah lagu soo xulo Xildhibaanada.”

Mr.Farmaajo ayaa qorsheeyay inuu Xarunta NISA guryo ku dhow ku xareeyo Odayaasha Soo xulaaya Xildhibaanada, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 135-Oday, isla markaasna u qeybiyo Dhaqaale si u soo xulaan ilaa 120 ah Maamulada Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug & Xildhibaanada ay isku beesha yihiin ee gobolka Gedo.

Beesha Caalamka ayaa ka gaabsatay iney soo dhaweeyaan Wasiirka 1-aad Ee cusub, iyagoo u arka in ujeedda gaar ah loo magacaabay lagana sugeyn in uu wax ku soo kordhiyo siyaasadda cakiran ee ka jirta Somalia.

Maanta ayaa lagu wada In Xildhibaanada ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub, iyadoo sidoo kale lagu wado in dib loo dhigo ansixinta Heshiiska Lagu gaaray Villa Somalia ilaa maalinta Sabtida soo socota.

62380cookie-checkBeesha Caalamka Oo Welwel Ka Muujisay Qorshaha Farmaajo