Cabsi Xoogan Oo Laga Qabo In la qabto Doorashada Gudoonka Baarlamaanka

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Farmaajo & Fahad ay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay, kadib markii ay ku guuldareysteen iney hakiyaan agaasinka Shahaado bixinta & Aqoonsiyada Xildhibaanada kuwaasoo qaatay 54-Xildhibaan maalintii ugu horeysay…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news kooxda Farmaajo & Fahad ay saacadihii ugu dambeeyay wadeen Olole ay culeys ku saarayaan Guddiga Doorashada (Garabka taageersan) iney soo saaraan Qoraal lagu diidan yahay Howlaha Shahaado bixinta iyo aqoonsi siinta, Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay iney kulan ay la yeesheen Xoghayaha Golaha Shacbiga Mr.Cabdikariin Buux ay culeys ku saareen inuu hakiyo Bixinta Aqoonsiyada Xildhibaanada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Farmaajo uu adeegsado Ciidamada 12-April-22, isagoo maalmahaan ku mashquulsanaa Isku shandheynta Hogaamada Ciidamada Qalabka sida, qaarkoodna la dalacsiiyay (Taageerayaasha) halka kuwo kale xilalkii laga qaaday, iyadoo talaabooyinkaan ay wadada u furi karaan in aan la qaban Doorashada Gudoonada 2-da Gole, Dalkana u horseedi kara dagaal sokeeye.

Waxay siyaasiyiin dhowr ah muujiyeen cabsida xoogan oo ay ka qabaan in amniga Muqdisho uu faraha ka baxo, kadib markii March 23 la weeraray Garoonka diyaaradaha, iyadoo laga soo galay dhanka xerada Afisyooni, oo lagu qabanayo doorashadda Madaxweynaha haddana la wado abaabul iyo Qorshe guracan.

179380cookie-checkCabsi Xoogan Oo Laga Qabo In la qabto Doorashada Gudoonka Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com