Dadaalada Dib u Habeynta NISA & Dagaalka Hoose Ee Lagu Dibindaabyeynayo

Somalia news

Hogaanka cusub ee Hey’adda Sirdoonka Somalia oo 29-kii Bishii May la magacaabay ayaa wada dadaalo dib loogu habeynaayo Hey’addaan oo muddo 5-sano ah laga maamulaayay magaalada Dooxa (Qatar), isla markaasna awooda ugu sareysa (dhanka Soomaalida) uu lahaa Fahad Yasin…

Wararka ayaa sheegay in guud ahaan Qaab-dhismeedka Hey’adda sirdoonka isbedel lagu sameeyay, iyadoo loo magacaabay Saraakiil Hogaanada kala duwan, sidoo kale waxaa la bedelay Madaxii NISA ee Gobolka Benadir iyo Maamulaha NISA ee Garoonka Diyaaradaha.

Hogaanka ayaa looga fadhiyaa inuu isbedel muuqda ku sameeyo xalinta Ciidamada Gobolka Gedo oo Hogaankii Farmaajo si dadban uu u maamuli jiray, xakameynta Saraakiisha halista ah awoodaha dheeriga la siiyay Xiligii Fahad, Baarista iyo ka gungaarida Kiisaskii ay ku lug lahaayeen Farmaajo, Fahad iyo Jiis-mareexaan, xiriirka Hey’adda kala dhaxeeyay kooxaha Argagixisada, iyo soo celinta Sumcada Hey’adda.

198550cookie-checkDadaalada Dib u Habeynta NISA & Dagaalka Hoose Ee Lagu Dibindaabyeynayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com