Biyo La’aan Ka Jirta Xafiisyada Gobolka Benadir

Somalia news

Muddo todobaad ah ayaa la sheegaya in biyo la’aan ah ay ka jirto xarunta dowladda Hoose ee Muqdishu, kadib markii Shirkadii Biyaha siisa ay ka jarteen Biyaha, iyadoo Lagu sababeeyay Iney Maamulka Maaliyada Gobolka ka gaabiyeen iney bixiyaan kharashaadka lagu leeyahay….

Ilo xogogaal ah oo ka tirsan xarunta gobalka Banaadir ka tirsan ayaa Diinah.com news u sheegay in ugu yaraan muddo shan maalmood ah ay biyo la’aan ka jirto dhamaan xafiisyada dowladda Hoose ee Xamar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gobalka Banaadir lagu yeeshay lacag bilooyin ah oo aruurtay, taasoo la sheegay iney tahay wax fudud oo ay bixin karaan balse ay muuqato maamul xumo iyo xil iska saarid la’aan.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uu jiro cabasho ay qabana maamulka ceelka oo ah in ay dhib badan ka maraan bixinta lacag, taasina ay sababtay in ay sheegaan in aysan siin karin biyo maamulka gobalka Banaadir.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa fadeexad uu dhexda ka fadhiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, taasoo xarunta Gobolka & Adeegga guud ee Gobolka uu ku yimid dib u dhac tan iyo markii uu xilka la wareegay sanad ka hor.

65120cookie-checkBiyo La’aan Ka Jirta Xafiisyada Gobolka Benadir