Mas’uuliyiin Ka Kala Tirsan Maamulada Galmudug & Puntland Oo Heshiis..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta heer gobol ee Puntland iyo Galmudug, ayaa sida ay sheegeen ku guulaystay iney dib u celiyaan Geel ay kala haysteen xoola-dhaqato ka soo jeeda labada maamul…

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in la wareejiyay 13-neef oo geel ah, oo ay kala haysteen xoola dhaqatada ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, Munaasabadda oo ka dhacday degaanka Godod bariga magaalada Gaalkacyo, waxa goob-joog ahaa Madax labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga heer gobol.

Mas’uuliyiinta labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada noolaanshiyaha dadka Gobolka Mudug ee oodwadaagtaa , waxaana ay dadka xoolo dhaqatadaa ugu baaqeen in ay nabada iyo Xasiloonid ilaaliyaan.

135400cookie-checkMas’uuliyiin Ka Kala Tirsan Maamulada Galmudug & Puntland Oo Heshiis..