Maxaa Ka Run Ah Siideynta Dhakhaatiirta Cuba

Somalia news

Fariimo iska soo horjeeda ayaa ka soo baxaaya Siideynta Maxaabiista u xirneyd Kooxda Shababka kuwaasoo u dhashay Dalka Cuba Muddo dheerna u xirmaan, iyadoo uu dulaal ka ahaa Adeege Fahad Yasin Horjoogaha NISA iyo Sarkaal Ka tirsan Sirdoonka Qatar….

Sida ay baahiyeen Wakaaladaha Wararka AP iyo AFP ayaa lagu sheegay in la siidaayay Labadii Dhakhtar Ee u xirnaa Maleeshiyaadka Kooxda Shababka, Dr.Assel Herrera Correa iyo Dr.Landy Rodriguez Hernandez, sidoo kale saraakiil u hadashay Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa beeniyay Siideynta Dhakhaatiirta.

Sida ku xusan xogo la helay, Kooxda Shababka ayaa Dhaqaale buuran ku xiray siideynta howlwadeenada caafimaadka, iyadoo ay dhexdhexaadinta ay garwadeen ka yihiin Adeege Fahad iyo tiro Sarakiil Dooxa u dhashay, waxaana la dalbatay aduun dhan 1.5 milyan oo US$. waxaana welwel xoogan laga muujiyay Xiriirka dhaqaale iyo Wada shaqeyn Ee ka Dhaxeeya Adeege Fahad Yasin Iyo Horjoogayaasha Shababka.

Khabiir dhanka Amaanka Ayaa sheegay “ Kooxda Shabaab waxay Dhakhaatiirta uga faa’iideystaan haysashadooda iney u daaweeyaan Maleeshiyaadka kasoo dhaawacma una tababaraan kuwa cusub iyagoo ay ilaalinayaan guutadooda Xarasa ee dusha kala socota maxaabiista iyo dhaqdhaqaaqa la-haysteyaasha”.

65070cookie-checkMaxaa Ka Run Ah Siideynta Dhakhaatiirta Cuba