Boliiska Gobolka Oo Joojiyay Dhisme Dayactir Lagu Waday

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan Boliiska Gobolka Benadir oo shaqaale dayactir ah ka waday dhisme ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Benadir, dhismahaasi oo la sheegay iney iska leedahay Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka..

Ciidamo hubeysan oo uu horkacaayo Madaxa Boliiska Gobolka Benadir Farxaan Qaroole iyo Saraakiil kale ayaa la sheegay iney tageen dhismaha Hoteelka Taleex oo dayactir laga bilaabay waxeyna ku wargeliyeen Shaqaalaha iney joojiyaan howsha.

Joojinta dhismaha dayactirka Hoteelka, Waxaa la sheegay in amarkaasi uu bixiyay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Mr.Cabdullahi Xayir Ducaale, wuxuuna sheegay in Dhismaha iyo dhulkaba ay ka mid yihiin Guryaha Danta guud Ee hoos taga Wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska.

Xiligii Dowladii Siyaad Barre ayaa qandaraas Ku siisay Hoteelka Ganasade Luul Maxamed Sheekh Cusmaan, hadda lama oga cidda ku waday dayactirka Hoteelka iyo Sida lagu hantiyay, waxaase jirta in dacwad lagu soo oogay dhismaha la joojiyay iyo lahaanshihiisa.

130910cookie-checkBoliiska Gobolka Oo Joojiyay Dhisme Dayactir Lagu Waday