Ciidamo Ku Sugan Xeebaha Somalia Oo Laga Helay Cudurka COVID-19

Somalia news

Dowladda Konfurta Kuuriya ayaa shaaca ka qaaday in tiro badan oo Ciidamadeeda Badda Ee ku sugan Xeebaha Somalia laga helay Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus, Sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee Yonhap ee Dalka South Korea…

Wararka ayaa sheegay in wadarta guud ee Ciidamada lagu sheegay 247- Badmaax, kuwaasoo saarnaa Markab dagaal (Munmu the Great) oo xeebaha Somalia u joogay iney ilaaliyaan, Taliska Ciidamada Badda ayaa sheegay in markii Hore 6-xaaladood oo Cudurka safmareenka laga helay kadibna uu ku faafay gudaha Markabka, iyadoo baaris la Sameeyay ay muujineyso 301 Askari oo laga baaray Cudurka laga helay 247, 50-Badmaaxna laga waayay.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in dhamaantood aan la siinin talaalka markii ay u baxaayeen Howlgalkaan, iyadoo qaar ka mid Ciidamadaan la sheegay iney xaaladooda Caafimaad ay culus tahay, iyadoo Dowladda S/Korea ay u dirtay laba Markab oo gurmad si ay u soo daabulaan Ciidamadaan qaba Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus.

130260cookie-checkCiidamo Ku Sugan Xeebaha Somalia Oo Laga Helay Cudurka COVID-19