Share the post "Burcad Badeed ka soo Jeeda Puntland Oo Doono Kaluumeysi Afduubatay.."
Wararka naga soo gaaraya degaanada Maamulka gooni socodka ah ee Puntland ayaa sheegaya in bilihii ugu dambeeyay ay kordheen falalka kooxaha Burcad badeedka ku afduubanayaan Doonyaha Kaluumeysiga, iyadoo Maamulka Deni lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay xakameynta Kooxahaan degaanka ee dhibaatada ku haya Xeebaha..
Wararka ayaa sheegaya in Dabley hubaysan oo looga shakisan yahay burcad-badeed degaanada Puntland ka soo jeeda ayaa xeebaha degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ka afduubtay doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Yemen, xili ay kaluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha, afduubkaan ayaa ku soo beegmay xili Maamulka Puntland lagu eedeeyay inuu wax ja og yahay koixaha Afduubta Doomaha.
Xuuraanada la helay ayaa xaqiijinaaya in doonta la qafaashay ay saaran yihiin 8-Shaqaale ah oo dhamaantood Soomaali ah waxaana dhacdadaasi imaanaysaa bil kadib markii burcad-badeedu weerartay doontii Seytuun2 oo uu ka watay Calanka Dalka Yemen.

Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shaaciyay in lagu wargeliyay dhacdo looga shakisan yahay in ay la xiriirto burcad-badeednimo taasi oo xeebaha degmada EYL ee gobolka Nugaal lagaga qafaashay doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Yemen.