Ma Dhabaa in Dhaqaalihii Lagu Naas-nuujin jiray Saaxiibada & Taageerayaasha Farmaajo oo la Joojiyay

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Duqa Magaalada Mogadishu uu soo saaray amaro dhaqaalaha looga jaray Xubno (Siyaasiyiin, Xildhibaano, Waxgarad iyo Odayaal ) tiro badan oo bil walbo gunooyin ka qaadan jireen Khasnada Dowlada hoose, Xubnahaan ayaa aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in kooxahaan ay bil kasta biil joogta ah looga qoray Gobolka Banaadir waxaana siyaasiyiin badan iyo xubno ka tirsanaa kooxda N&N, gaar ahaan saaxiibada dhaw dhaw ee Farmaajo, iyadoo Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cumar Finish uu bil walbo dhaqaalahaan gunnada ah gobolka ka siin jiray kooxdaan.

Xildhibaanada & Siyaasiyiinta dhaqaalahaan laga siin jiray Gobolka Banaadir ayaa qaarkood la sheegay in bil walbo u qorneyd ayna qaadan jireen lacag ka badan 10-kun oo US$ halka kuwa kalana qaadan jireen lacago kala duwan, Canshuurta Shacbiga Magaalada laga qaado ayaa ayaan darro lagu tilmaamay in lagu quudin jiray, iyadoo Magaalada burburka wadooyinka, iyo Nadaafad darrada ka dhalata biyo fariisinada lagala masuugay in lagu dayactiro.

216600cookie-checkMa Dhabaa in Dhaqaalihii Lagu Naas-nuujin jiray Saaxiibada & Taageerayaasha Farmaajo oo la Joojiyay