Buunbuuninta Dacaayadaha Howlgalada Argagixisada & Xakameyn la’aanta Dowlada..

Security Somalia news

Maalmaahaan dambe waxaa aad u soo kordhaayay Buunbuuninta beenta xambaarsan ee Kooxaha Mucaaradka kuna faafinayaan baraha bulshada Warar ku-tiri-ku-teen ah oo Saacado gudaheed, muuqaallo dacaayad ah lagu harqiyo kanaalada Telegram-ka iyo WhatsApp-ka ee Simalia oo dhan, kuwaasoo muujinaya weerarkii dhawaanahan ay kooxda argagixisadu ku qaadeen ciidamada Dowladda..

Ku darsoo Maqnaanshahan xogeed Dowladda ayaa waxa uu noqday mid si niyad-jab leh u bartay Soomaalida oo u dhaxaysa xaqiiqooyinka furumaha dagaalka iyo sheekooyinka mala-awaalka ah, Inkastoo Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada ay qabsaneysay bilihii la soo dhaafay fariisimo aan istiraatiiji aheyn, Hogaanka Villa Somalia oo ku fashilmay diyaarinta qorshe cad iyo xulashada Hogaaminta dagaalka Saraakiil Aqoon xirfadeed u leh dagaal gelinta, isagoo xogta u dhiibtay cadow cag-dambeed ah iyo kuwo aqoontooda hooseyso.

Degaanada Dagaalada ka socdaan waa Halka uu Madaxweynaha ka soo jeedo ku darsoo Odayaasha Dhaqanka iyo Dhaliyarada Beelaha Agoon-yar iyo Daa’uud ayaa si cad ula saftay Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Qeybta Warbaahinta Dowlada Federaalka noqotay mid howlgab ah, xuuraano loo qaateen ayaa xaqiijiyay in Burbur uu ku yimid Xafiisyada Warfaafinta Madaxtooyada kadib khilaaf xal loo waayay Howlwadeenada Xafiiskaasi iyo dagasl mindhicireed u dhaxeeya Xafiisyada Madaxtooyada iyo kan Wasiirka 1-aad ee Warfaafinta.

Halka Wasaaradda Warfaafinta oo u xilsaaran habeynta Warbaahinta Dowladda uu Khilaaf joogta ah, burbur iyo hoggaan la’aan ah isku biirsadeen, Wariyayaashii ruug-caddaa ah oo markii hore ka shaqayn jiray Xarumaha Warfaafinta ayaa u qaxay warbaahinta gaarka ah ama Hay’adaha caalamiga ah, taasoo horseeday in kuwii beddelka ahaa ee aan waayo aragnimada lahayn ay la daalaa dhacayaan qalab qadiimi ah Aqoon iyo agab yar.

Isku soo hoori, Kooxda Argagixisada waxay fariimahooda ku faafiyaan si hufan, Garabkooda warbaahineed ayaa soo saara macluumaad bartilmaameedsanaya tirokoobyo gaar ah – muuqaalo af Carabi ah oo la qurxiyay oo loogu talagalay deeq bixiyayaasha khaliijka, idaacadaha afka Soomaaliga ku hadla ee dhagaystayaasha reer miyiga ah, iyo hadallo af Ingiriis ah oo loo habeeyey si ay u soo jiitaan indhaha warbaahinta caalamiga ah.


364880cookie-checkBuunbuuninta Dacaayadaha Howlgalada Argagixisada & Xakameyn la’aanta Dowlada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *