Abaabul Dagaal oo Laga Dareemay Degaanadii ay Kooxda Argagixisada ka Burburiyeen Ceelal & Baraagado

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in degaanada Cadaado, Godinlabe, Baxdo iyo kuwo kale ay ka bilaawdeen abaabul xoogan iyo Hub urursi, kadib markii ay Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka ay burburiyeen tiro Ceelal, Baraagado iyo Taawaradii Isgaarsiinta dhowr Tuulo…

Sida xogta tilmaameyso Dadka degaanadaas ku nool waxay go’aan ku wada gaareen in iyaga iyo Al-shabaab ay ku kala bixi doonaan dagaal, waxaana saacadaha soo socda waxaa la filayaa inuu degaanadaas ka dhaco dagaal culus oo saf ballaaran ah.

Dadka ku nool degaanada kor ku xusan ayaa sheegay iney caro xooggan ka qaadeen in Burburinta Ceelalka, Baraagadaha iyo Xarumaha Isgaarsiinta, waxeyna sheegeen iney ka sifeyn doonaan Degaanada ay ku nool yihiin, ayaan darrose, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney difaacaan Maatida.

Maleeshiyaadka kooxda argagixisada shabaabka ayaa horay sidaan oo kale waxay u qarxiyeen Ceel biyoodyada in ku dhaw ilaa 10 degaan oo hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay gubeen guryahii ku yaalay ilaa 7 degaan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas.

211270cookie-checkAbaabul Dagaal oo Laga Dareemay Degaanadii ay Kooxda Argagixisada ka Burburiyeen Ceelal & Baraagado
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Abaabul Dagaal oo Laga Dareemay Degaanadii ay Kooxda Argagixisada ka Burburiyeen Ceelal & Baraagado

  1. Kooxdaan in la iska dhiciyo oo Hubka la qaata ayaa looga bixi karaa dhibaatada ay Dadka ku hayaan

Comments are closed.