Hakad Ku Yimid Duulimaadyada Qatar Airways Ee Mogadishu

Somalia news

Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxaaya duulimaadyadii ay Diyaaradda Qatar oo tagi jirtay Caasimadda Somalia (Mogadishu), iyadoo Maamulka Diyaarada oo saamiga ugu ay leedahay Dowladda Qarar, isla markaasna Duulimaadyada Mogadishu ay fasaxeen markii hore Hogaanka dalkaasi ayaa hadda Hakad geliyay….

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Mas’uuliyiinta Diyaarada Qatar Airways ay joojiyeen (baajiyeen) dhowr duulimaadyadeeda, waxaana la sheegay in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo rakaab ah (Passengers) una diyaarsanaa iney raacaan ayaa in ka badan saddex jeer loo sheegay in duulimaadka la baajiyay, waxaana lagu wargeliyay iney ku laabtaan kuwa gudaha Magaalada Mogadishu guryahooda halka kuwa kale lagula taliyay iney ku noqdaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Dad badan ayaa is weydiinaya waxa isku Xiray Baaqashada Duulimaadyada Qatar Airways iyo warbaahinta Aljazeera oo isla wadankaas laga leeyahay ay billowday iney Mucaaraddo Farmaajo tan iyo wixii ka dambeeyey 8-Febraayo.

94380cookie-checkHakad Ku Yimid Duulimaadyada Qatar Airways Ee Mogadishu