Gudoonada Barlamaanada Maamulada Gobolada Oo Ku Gacan Seyray Kulan Loogu Baaqay..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan looga hadli lahaa Arrimaha Dastuurka oo uu u soo jeediyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Maamulada Gobolada ayeey ganafka ku dhufteen, kadib markii ay Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Gudoomiyayaasha Barlamaanada Konfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabelle..

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shir ay yeesheen madaxda Golayaasha Xeer-dejinta Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka Somalia intii u dhaxeysay 3-4 Decembar 2023 ay soo saareen go’aan ay ku diideen casuumaaddii Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku eedeeyay inay uga baxay heshiiyo iyo ballamo ay horey u wada galeen.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle Abdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Konfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Maxamed Nur Gacal iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan (oo khadka ku jiray).

Waxey ku eedeeyeen iney fulin waayeen heshiisyadii ay horey ula galeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kal ahaa: Heshiiskii is afgaradka ee lagu saxiixay Muqdisho Agoosto, 2017, Dib u eegisna lagu sameeyay Shirkii Baydhabo December 2018, Garowe Abriil 2019, iyo Shirkii Muqdisho 18 Novembar 2022.

291060cookie-checkGudoonada Barlamaanada Maamulada Gobolada Oo Ku Gacan Seyray Kulan Loogu Baaqay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com