Buuq Iyo Muran Muddo Hakiyay Duulimaadkii Turkish airlines

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegayaa xiisad ka dhalatay buuq gudaha diyaarada isla markaasna saacado maanta dib u dhacday duulimaadka Diyaarada Turkish Airlines kaga bixi jirtay Garoonka Aadan Cadde….

Wararka ayaa sheegay Diyaarada Turkish Airlines ayaa sida caadiga ah inta badan ka duuli jirtay garoonka diyaaradaha 10-ka subaxnimo, hasa ahaatee maanta waxa ay ka duushay 1-da Duhurnimo kadib markii diyaarada buuq ka abuuray nin kamid ahaa rakaabka diyaarada.

Shaqsigaan oo kamid ah rakaabka Diyaarada saarnaa ayaa u sheegay  inuu diiday inuu xirto Face Mask ama waji xirka looga hortago Caronavirus, buuqa arintaasi ka dhashay ayaa markii dambe sababay in ninkaasi laga dejiyo diyaarada.

Ciidamada Boliiska ee garoonka diyaaradaha ayaana la wareegay kiiska ninkan buuqa ka dhax abuuray diyaarada, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in diyaarada markii dambe duushay kadib markii laga reebay ninkii buuqa iyo dib u dhaca ku keenay duulimaadka diyaaradaas.

56450cookie-checkBuuq Iyo Muran Muddo Hakiyay Duulimaadkii Turkish airlines