Wararkii Ugu Dambeyay Sadaasha Magacaabista Wasiirka 1-aad

Somalia news

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegay in Villa Somalia ayka socdaan dhaqadhaqaayadii ugu dambeeyay ee lagu kala xulanaayo tiro Musharxiin ah, oo doonaya iney qabtaan Xilka Wasiirka 1-aad, iyadoo 25-k bishan ay ku eg tahay mudadii 30-ka maalmood ee sharcga u oggolaanayay Madaxweynaha..

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Mr.Faraamjo uu qaaday go’aanka magacaabista balse ay u harsan tahay la-tashiyo uu la yeelanaayo qeybaha kala duwan iyo taageerayaashiisa, waxaana loo saadaalinaaya in Xilkaan loo magacaabo midkood musharixiinta kala ah Mr.Maxamed Cali Nuur oo xiligaan ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada arrimaha dibada, Mr.Hanad Cabdulaahi Ganey (Ina Firimbi) iyo Mr.Cali Maxamed Geedi.

24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaana baraha bulshada qabday Mr.Geedi oo olole xoogan iyo culeys saaran la soo baxay, inkastoo xogo laga helay Madaxtooyada ay sheegeen inuusan ku jirin liiska Musharixiinta ay Madaxtooyada ka qaaday Wareysida, iyadoo taageerayaashiisa baraha bulshada ay u caleemo saareen inuu noqon doono Wasiirka 1-aad ee cusub.

56430cookie-checkWararkii Ugu Dambeyay Sadaasha Magacaabista Wasiirka 1-aad