Cabasho Laga Soo Saaray Oday Dhaqameed La Xareystay

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Odayaasha iyo Nabadoonada Beesha Reer Aw-Xasan, iyagoo ka digniin kasoo saaray Nabadoon beeshaasi ka tirsan oo u xareysay Fahad Yaasiin oo hadda u sharxan kursiga Hop#086 ee Xildhibaan ee beeshaasi leedahay…

Warqad cabasho oo ay soo saareen 10-Odayaal Dhaqmeed iyo Nabaddoon isugu jira ayeey si adag cabasho uga muujiyeen kursiga HOP#086 degaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne, waxayna caddeeyeen in Maxamed Xuseen Axmed aanu ahayn Suldaan, Nabadoon ama Ugaas qabiil oo la doortey, balse uu ahaa wakiil saxiixe doorashadii 2016.

Odayaasha ayaa Nabaddoon Maxamed Xuseen Axmed ayey ku eedeeyeen inuu ku kacay arrimo ay ka mid yihiin:-

-Wuxuu ahaa wakill saxiixihii doorashadil 2016, uuna hadda ku nool yahay goob qarsoon oon la garanaynin, isla markaana dhegaha ka fureystay codsiyo badan oo uga yimid Odayaasha Dhaqanka inuu la kulmo ama ka soo qaybgalo shirarkooda si looga tashado arimaha kursiga HOP086.

-Muddo 6-bilood ah inuu xareysan yahay Musharax ka mid ah Musharixiinta u taagan kursigaas (Fahad Yaasiin), si uu ugu qoro ergo isaga u gaar ah oo aan lagala tashan Odayaasha Dhaqanka Beesha iyo Jufooyinka kursiga wada leh.

-Kulammo isdaba joog ah oo ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka ee Beesha waxaa u soo baxday in Maxamed Xuseen Axmed aan lagu aamini karin masiirka Beesha, madaama uu isaga doortay inuu isu dhiibo hal musharax, xaqna uusan u laheyn inuu qaado tallaabo uusan fasax uga haysan Golaha Dhaqanka ee Beesha, isla markaana uusan dhexdhexaad ka aheyn xulidda ergada kursiga Hop086, sidoo kale uu u gacan galay hal musharrax oo rabo in asaga kursiga loo xiro cid kalana aynan kula tartamin.

-Odayaasha Dhaqanka, waxaa ka go’an in si waafaqsan habraaca Doorashada dalka loo madax baneeyo Hoggaanka Dhaqanka ee Beesha Reer Ow Xasan soo xulidda 5 ta xubnood ee Guddiga Farsamada, sidaasna ay 5 taas xubnood kusoo xulaan ergada 101-da ah iyadoo laga talogalinaayo Odoyaasha Dhaqanka lyo guud ahaan xubnaha beesha.

Odayaasha waxay waxay Guddiga Doorashada ee heer Federaal FEIT, Guddiga Doorashada ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ka codsadeen inay gacan nalagu siiyaan ka hortagga boobka abaabulan ee baalmarsan habraacyada doorashada dalka ee lala maagan yahay masiirka kursiga HOP#086.

168440cookie-checkCabasho Laga Soo Saaray Oday Dhaqameed La Xareystay