Xaaladaha Xulafeysiga Ee Shirka Dhuusa mareeb-2

Somalia news

Macluumaadka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Mr.Farmajo uu bilaabay inuu ciyaaro kaar Qabiil oo uu isku dayo inuu ku qanciyo labada Mas’uul ee ay isku haybta yihiin, ( Dani iyo Madoobe) una sheego inay iyagu yihiin caqabadda ka soo horjeedda Mudo kororsiga uu ku taamaayo, isla markaasna ay la safan yihiin 3-da kale…..

Waa dhab in mararka qaar madaxda qaar looga shakiyo inay eex qabiil galaan oo ay danta Qaranka iyo Dhibaatada Loo geystay iyaga iyo Shacbiga ay metelaan iska iloobaan, hasa yeeshe maanta mid ka mid xaaladahaas oo kale oo waliba  adaga ayaa hor yaala madaxda maamul Goboleedyada dhammaantood, hasa yeeshee waxaa il gaar ah lagu hayaa labada Madaxweyne ee Jubaland iyo Puntland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Siciid Cabdullahu Deni.

Haddaba waxay xaaladdu ku xeran tahay sida ay u dhaqmaan Hofaamoyauaasha Puntland iyo Jubbaland oo uu Mr.Farmaajo ballanqaaday inaysan sii jogeyn haddii uu talada sii joogo ama loo kordhiyo taas oo uu ka shaqeyn doono inaysan ka harin ugu yaraan.

Wuxuuna Soo jeedin doonaa Qodobadaan:-
-Nooca doorasho ee uu rabo, ogolaadaannna in shir kale uu Xamar ku qabto.

-In muddo kordhin aan Meesha laga saarin, lagana noqdo qodobkii lagu daray war murtiyeedka ee ahaa inaysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah muddada ka hartay xileedka hay’daha distuuriga ah.

Kheyre Iyo Xeeladaha Qorshihiisa:-

Kheyre ayaa si aashuun ku adin ah wuxuu habeenadii la soo dhaafay ku sheegayay in uu ka soo horjeedo qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee ah muddo kordhinta iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Labadaan dhinac ee isku haysta siyaasadda doorashada ayaa ku xisaabtamaya taageerida Kheyre laakiin waxaa ay labada dhinac ku wareersan yihiin mawqifka rasmiga ee uu  qaadan doono. Kheyre oo shaki weyn ay ku gedaaman yihiin qorshihiisa ayaa la filayaa inuu badalo mawqofkiisa daqiiqadaha ugu dambeeya isla markaana uu taageero qorshaha Madaxweyne Farmaajo.

48850cookie-checkXaaladaha Xulafeysiga Ee Shirka Dhuusa mareeb-2