Ma Dhabaa in Mid ka mid Diyaaradaha u Kireysan Xafiiska QM ee Somalia la Weeraray

Somalia news

Sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Howlwadeenada Safaarada Russia ee Dalka Djibouti, mid ka mid Diyaaradaha Qumaatiga u kac ee Dalka Russia oo ka qeyb qaadanaya howlaha Samafalka ee Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa lagu weeraray Gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in 23-kii Bishaan Jenaayo ay kooxda Argagixisada & iyo la shaqeeya ay weerar hoobiyayaal ah u qeybiyeen Agagaarada Villa Somali iyo Garoonka Diyaaradaha magaalada Mogadishu, waxaana weerarkaasi la sheegay inuu khasaare ka soo gaaray mid ka mid ah Diyaaradaha Helicopters ah oo Barkinada Diyaaradaha taalay.

Diyaaradaan Helicopter-ka ah ayaa waxaa iska leh Shirkadda (UTair-Helicopter services), waxeyna ka qeyb qaadaneysa taageerida Gadiidka Cirka ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Xafiiskooda Somalia, waxaana la sheegay ineysan waxyeelo badan aysan soo gaarin, mana jiraan Khasaare soo gaaray Duuliyayaasha & Farsamo yaqaanada Russia u dhashay.

239910cookie-checkMa Dhabaa in Mid ka mid Diyaaradaha u Kireysan Xafiiska QM ee Somalia la Weeraray
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com