Mareykanka Oo Lagu Eedeeyay Dacaayad Faafinta Been-abuurka Baraha Bulshada

Somalia news U.S.

Warbixino hoose ayaa xaqiijinaaya in Qeybaha Ciidamada iyo Sirdoonka Mareykanka ay si toos ah ugu lug leeyihiin faafinta dacaayadaha ololaha been abuurka ah iyo marin habaabinta Shucuubta Aduunka si loogu khaldo siysaasada is diidan ee Reer galbeedka iyo kuwa Bariga (China-Russia), sida ay shaaca ka qaaday Shirkadda Meta…

Dalka Somalia, sida ay muujinayaan Macluumaadkaan, waxey ka mid tahay Dalalka ay ka howl galaan Shaqsiyaad qaarkood Soomaali ah gacan saarkana la leh Ciidamada Mareykanka qeybtooda faafinta dacaayadaha, iyadoo fariimaha ay gudbinayaan kooxahaan ayaa isugu jira qaar lagu taageeraayo Washington iyo Xulafadeeda Nato laguna sumcad dilaayo Dalalka China, Iran iyo Russia.

Wadamada sida tooska ah Fariimaha bern abuurka ah loo gudbin jiray ayaa waxaa ka mid ah, Dalalka Afghanistan, Algeria, Iran, Iraq, Kazakhstan, Russia, Syria, Somalia, Tajikistan Uzbekistan iyo Yemen, iyadoo fariimahaan ay kooxahaan ka dhigayeen kuwo run ah oo laga soo xigtay Wakaalado Warar oo u badan kuwa Reer Galbeedka.

Mareykanka ayaa la sheegaa inuu Dalka Somalia ku leeyahay dhowr xarumood oo qarsoon ayna ka howl galaan Tiro Dhalinyaro Somalia/USA dhalashadooda heysta, waxeyna inta badan turjumaan Af-Soomaaliga iyagoo dhageysta khadadka isgaarsiinta, lana socda Qoraalada baraha bulshada isla markaasna faafiya warar been abuur ah oo lagu khaldaayo aragtida Shacbiga Soonaaliyeed.

227600cookie-checkMareykanka Oo Lagu Eedeeyay Dacaayad Faafinta Been-abuurka Baraha Bulshada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com