Cabsi la soo Daristay Dadka Baraha Bulshada Wax Ku Dhaliila ee Sugan Muqdisho…

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhay howlgalada lagu beegsanaayo Dadka wax ku dhaliila Baraha Bulshada kadib markii ay Xoogaga Amaanka ay ugaarsi ku bilaabeen Shaqsiyaad caan ka ahaa Bulshada Soomaalida ee Baraha Bulshada wax ku dhaliila gaar ahaan kuwa faafiya Hadalada kicinta…

Wararka ayaa sheegaya in Xabsiyada Sakdhiggyada Boliiska Caasimada lagu xiray ilaa 50-Qof oo siyaabo kala duwan loogu soo eedeeyay iney faafinaayeen hadalo xanad leh oo lagu dhakiilaauo Hogaanka Villa Somalia, iska horkeyn Beelo iyo aflagaado.

Waxaa soo baxaaya in Hogaanka Dowlada ay ka faa’iideysanayaan tirada yar ee Falalka kicinta iyo isku dirka waday ay ku dareen Muwaadiniinta Dhaliila Nidaamka Villa Somalia ku darsoo waxaa la sheegaya in ugaasi lagu hayo Wariyayaal, Xarumo Idaacadeed iyo TV kuwaasoo inta badan wareysiyo kaga qaada Dadka Wadooyinka Mogadishu.

328470cookie-checkCabsi la soo Daristay Dadka Baraha Bulshada Wax Ku Dhaliila ee Sugan Muqdisho…