Shaqaale Ka Tirsan Xafiisyada UN-ka Somalia Oo La Dilay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxo Hubeysan oo xalay xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay Muwaadin magaciisa lagu sheegay Nadiir Maxamed Kheyre, oo kamid ahaa dadka ku nool degmadaasi….

Wararka ayaa sheegaya in Dableyda dilka fulisay ayaa la sheegay iney goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana xaafada dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan Boliiska iyo NISA kuwaasoo bilaabay baaritaano aan natiijo kasoo bixin.

War kasoo baxay kooxda Shabaab ayaa lagu sheegay iney iyagu ka dambeeyeen Mas’uuliyada dilka loo geystay Marxuum Nadiir Maxamed Kheyre oo ay sheegeen in uu katirsanaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay gaar ahaan qeybta loojistikada (Saadka).

81180cookie-checkShaqaale Ka Tirsan Xafiisyada UN-ka Somalia Oo La Dilay