Xoogaga SSC/Khaatumo oo la Wareegay Saaka Fariisinkii Somaliland ee Goojacadde..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal qarar oo xalay xilli dambe ka qarxay Tuulada Maraaga kaasoo horseeday iney Xoogaga SSC/Khatumo ku guuleystaan iney la wareegaan Fariisinkii caanka ahaa ee Goojacadde, kuwaasoo gaaray degaanka Dhoodi, iyadoo la soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen Somaliland…

Qabasashada Gooja-cadde ayaa soo deg degtay kadib markii subaxnimadii hore ee saaka Xoogaga SSC dagaal culus ku qabsadeen Taliskii Maraaga ee laga difaaci jiray Gooja-cadde, War-saxaafadeed ka soo baxay SSC ayaa lagu sheegay in dagaalka oo weli socda lagaga qabsaday Somaliland gaadiid dagaal iyo maxaabiis balse lama faahfaahin tiradooda uu ku jiro Taliyihii Madaafiica Cali Waran.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu hadda ka socda aggga degaanka Dhabansaar oo 30-km Galbeedka ka xiga magaalada Laascaanood, sida ilo xog ogaal ay u xaqiijiyeen,

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii dagaal Xoogan oo khasaare badan geystay uu ka dhacay isla aagga Maraaga iyo Xargaga, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan labadana dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood, iyadoo Wararka ayaa intaas raacinayaan in la kala qabsaday hub ay ku jiraan taangiyo.

273930cookie-checkXoogaga SSC/Khaatumo oo la Wareegay Saaka Fariisinkii Somaliland ee Goojacadde..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com