Maxaa loo hakiyay Doorashada Hop#135 Ee Loo Dilay Marxuumad Aamina

Somalia news

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Guddiga doorashada heer Dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday liiska Odayaasha iyo Xubnaha Bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kursiga tirsigiisu yahay HOP#039…

Sida ku cad war qoraal ah, oo ka soo baxay Guddiga doorashada Hirshabelle, maanta 04/04/2022, ayaa la diiwaan galinayaa ergada iyo Murashixiinta, ka hor inta aan galabta ama caawa loo dareerin doorashada kursiga.

HOP#039, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Drs. Maryan Axmed Haruun,  waxaana kursigaan ku suntan beesha Dirisame ee Gaaljecel, degaan doorashadiisuna waaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Doorashada kursigaan ayaa ka dhigan in Baladweyne ay baaqi ku ahaan doonaan kaliya labo kursi, oo kala HOP135, oo ay ku fadhisay AUN, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo HOP086, oo Faarax Cabdulqaadir ku fadhiyay, waxeyna Kuraastaan doorashadoodu la qaban doonaa marka la dhiso Dowladda Cusub.

Sida ay Warsidaha Diinah.com news, u sheegeen, howl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle, Guudlaawe, ayaa ka soo baqooli doona Baladweyne, wixii maanta ka dambeeya, si uu u qabto doorashada 6-kursi oo ku dhiman Magaalada Jowhar.

179840cookie-checkMaxaa loo hakiyay Doorashada Hop#135 Ee Loo Dilay Marxuumad Aamina