Cabsi Xoogan & Abaabul Dagaal Ayaa Laga Dareemay Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegayaa in qeybo ka tirsan Degmada Wadajir dhismayaasha Dabaqyadda ee ku yaalla xaafadda Buulla xuubey iyo aagga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Ciidanka Musharaxiinta ayaa la saaran qoryaha boobayaasha (Hubka culus) sida P-10 iyo RBG…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ku diyaariyay xeryaha Ciidamada 3-Urur oo ka tirsan Xoogaga Hubeysan ee Gorgor iyo Haramcad, waxaana lagu wadaa iney weerarkaan Guryaha ay degan yihiib Musharaxiinta.

Ciidamadaan oo la sheegay in lagu diyaariyey xeryaha Ciidanka ee kala ah Ex Damaanyo, si ay u weeraraan xaafadaha ay dagan yihiin Musharraxiinta, waxaana laga dareemay durbadiiba xaq ka bilaawday Degmada Wadajir.

Ciidanka Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale isku ballaariyey xaafadda Buula Xuubey ee Muqdisho, waxaana ujeedadu tahay is difaacid maadaama Xamar dhexdeeda la isku hub aruursanayo oo dowladduna rabto in Musharaxiinta la weeraro.

96760cookie-checkCabsi Xoogan & Abaabul Dagaal Ayaa Laga Dareemay Mogadishu