Ciidamada Madaxtooyada Oo Wasiiru Dowlo ugu Hanjabay Dil

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Hanjabaado iyo is-hortaag hubeysan oo Ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia kula kaceen Maanta Wasiiru Dowladaha Gaashandhigga Ee Dowladda Federaalka, Ciidamadaan ayaa ku sugnaa isbaaro ku taal Isgoeyska u dhow Hoteelka Madiina Degmada Xamar Ja-jab ee Magaalada Mogadishu….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Koox ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia ay ugu hanjabeen iney gubayaan Gaariga Wasiiru Dowladaha Gaashandhigga Mr.Maxamed Cali Xagaa ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Ee wakhtiga ka dhamaaday.

Ilaa hadda lama yaqaano sababta, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Falka lagula kacay Wasiiru Dowlaha MrXagaa ay xiriir la leedahay Xiisadaha xoogan Ee u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle, taasoo soo jiitameysay muddo Dheer, Iyadoo Ciidamada Madaxtooyada la sheegay iney badan Beesha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

126630cookie-checkCiidamada Madaxtooyada Oo Wasiiru Dowlo ugu Hanjabay Dil