Cadaadiska La Saaray Kheyre Iyo Cabsida Kacdoonka

Somalia news

Waxaa dib loo soo fasaxay khadka Internetka ee magaalada Muqdisho, Talaabadaan oo sababtey khasaaro baxaad leh oo dhaqaale iyo xiriirkii bulshada ee Ganacsiga oo muddo gaaban si bareer ah loo jaray. Shirkadda Hormuud Telecom oo ah shirkadda u weyn ee bixisa Internetka ayaa sheegtey in cilad farsamo ay tahay taas oo ay sababeen dabaylo iyo duufaamo laakiin, khubarada ka faalooda arrimaha Tiknoolajiyadda una dooda xorriyada internetka sida NetBlock ayaa aaminsan in sababta Internetku u maqnaa arrimo siyaasadeed….

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa isku dayay inuu Xanibaadda Internetka Iyo isticmaalaan dowaldaha inuu Kontoroolo xaaladaha siyaasadeed, waxaa sidaan oo kale dhawaan isticmaaley dalka Ethiopia si uu wax uga beddelo aragtida kacdoonadii dalkaas ka dhacay.

Maamulka Villa Somalia ayaa weji gabax kala kulamay muuqaalo la baahiyey isla maalintii Baarlamaanka buuqu ka dhacay ee ay u fariisteen qorshe aan ajandaha ku jirin ee ah. Waxaa muuqata in aysan Maamulku u diyaar garoobin sida ay fadhiga baarlamaanka u kontrooleyso. Dowladda Federaalka ayaa beesha caalamka kala kulantey weji gabax iyo Cambareyn loogu goodiyey in aysan tani ahayn wixii ay taageerayeen ee ay maal-geliyeen.

Mid kamid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee Somalia ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada iyo Hogaanka NISA ay culeys saareen Wasiirkii 1-aad ee hore Mr.Xassan Cali Kheyre waxaana la dul dhigey ciidamo ilaaliya dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana uu ka go’an yahay caalamka intiisa kale oo dhan, waxaana si weyn looga hortagayaa inuu hadlo, kadib baaqyada kulul ee caalamka ka soo baxay, sidoo kale waxaa culeys la saarey saraakiishii aadka ugu dhawaa ee ciidamada sida ninka la yiraahdo Saadaq John oo wararku sheegayaan in shaqo joojin lagu sameeyey.

Wararka kale waxay sheegayaan in Mr.Farmaajo uu ku jiro soo xulidda ninkii beddeli lahaa Kheyre waxaana isaga iyo la taliyaashiisu u qaybsan yihiin laba aragtiyood oo kala ah:

Kuwo qaba in xilka loo daayo Rasyalwasaraha kumeel-gaarka Mahdi Guuleed inta laga gaarayo shirka Dhusuamareeb lagana burburinaayo ama la helaayo muddo kororsiga,

Qaar kale ayaa wada in shakhsi aan siyaasi ahayn, khibrad u lahayn arrimaha siyaasadda Somalia, horey loo aqoon, laakiin muddooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho in si degdeg ah loo magacaabo.

50700cookie-checkCadaadiska La Saaray Kheyre Iyo Cabsida Kacdoonka