Maxaa Ka Run in Ethiopia ay Qorsheysatay iney Deked Ka Hesho Dhulka Somalia..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa tilmaamaya Abiy Ahmed Ali oo kulan la qaatay saaxiibadiisa hoose ee Siyaasada ayaa ku sir qarsaday in Ethiopia aysan awoodin inay sii ahaato dal aan bad lahayn, Wuxuu intaas ku raaciyay in Dadkiisa ay gaari doonaan 300 milyan marka la gaaro Sanadka 2040, in ka badan 30% dhaqaalaha Dalkiisa GDP-geedana ay ku bixi doonto Dekedaha..

Mr.Abiy ayaa xusay iney isha ku hayaan tiro Dekedo ah oo ku yaal xeebaha oo ay ka mid Somalia sida Kismaayo, Baraawe, Garacad, Seylac & Jabuuti, isagoo si khaldan u sheegay inay yihiin dhul taariikhi ah oo Ethiopia leedahay, Xasan Gurgurte, kaligii-taliye @IsmailOguelleh iyo Soomaalida inteeda kale ma leeyihiin damac aan ahayn in midba midka kale ku naco arrimo qabiil.?

Heshiiska Labada Nin ayaa salka ku haya sidii Ethiopia loo siin lahaa Dekad ay maalgashato/Maamulato xitaa ay Maraakiib dagaal oo ay leedahay ku soo xirtaan, Talabadaan ayaa lagu tilmaamay mid khatar lagu gelinaayo Midnimada dhuleed/xuduudeed ee Dalka, iyadoo Siyaasiyinta kooxo diimeedyada aysan kala jecleyn Muqadusnimada Qaranka balse ay Macaash doon yihiin iyo iney kursiga ku sii nagaadaan.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Xasan Gurgurte uu doonaayo in Ethiopia ay ka caawiso iney u xoreeyaan Inta u dhaxeysa Afgooye/Kismaayo iyo Afgooye/Bakool oo ah dhul baaxad leh oo ay ku yaalaan Fariisimada kooxda Argagixisada Shababka mana awoodo inuu deegaankaasi ku qabsado ciidan beeleed.

260600cookie-checkMaxaa Ka Run in Ethiopia ay Qorsheysatay iney Deked Ka Hesho Dhulka Somalia..