Ciidamada ATMIS ee Kenya oo Bilaabay iney ka Baxaan Degaanka Raskambooni…

Africa News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Raskambooni ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya qeybta ATMIS ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay ug baxaayaan degaanka Raskambooni xilli ay taagan tahay xiisado u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowlada Federaalka..

Wararka ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ay Ciidamo u dirtay Degaanka Raaskambooni iyo Degmada Ceel-waaq, taasoo Axmed Madoobe uu rumeysan yahay in isaga lagu beegsanayo, Hase yeeshee, Dowladda Federaalka ayaa ku dooday in ciidamada ay buuxinayaan goobaha ay ka baxayaan ciidamada ATMIS.

Ciidamada Kenya oo xiriir dhow la lahaa Maamulka Jubaland ayaa la sheegay iney ka baxeen aaggagaasi, oo ay qaateen mowqif dhex-dhexaad ah, si ay uga fogaadaan iney abuuraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhax gala Muqdisho iyo Nairobi, Xiisadaan ayaa u muuqata mid horseedi karta dagaal dhiig ku daata hadii aan xal loo helin.

Bixitaanka ciidamada Kenya ayaa yimid kadib markii Axmed Madoobe uu 15 maalmood u qabtay Ciidamada Federaalka inay isaga baxaan Degaanka, si looga fogaado iska horimaadyo dhici kara, Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa xaqiijiyay in sababta Dowladda Federaalka ah ay Ciidamada u gaysay Degaanada ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka.

352140cookie-checkCiidamada ATMIS ee Kenya oo Bilaabay iney ka Baxaan Degaanka Raskambooni…