Howlgalo Lagu Qabtay Xubno Argagixisada Ka Tirsan Oo Ka Dhacay Sh/Hoose

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka fuliyeen qaar ka mid Degaanada ay dhowaan ka sifeeyeen Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo ku yaal Gobolka Shabeelada hoose, waxaana lagu soo qabtay tiro Maleeshiyaad ah…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Howlgaladaan ayaa xalay laga fuliyey Degaanada Bariire, Mubarak, Shaam-garre, Jowhar-yareey, iyo Toora-toorow, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu soo qabtay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka.

Saraakisha howlgalladan kaalinta ku lahaa qaarkood, oo warbaahinta la soo xiriiray ayaa sheegay in ay soo qabteen ay ku jiraan, rag in muddo ah la baadigoobayey, kuwaasoo qaarkood ahaa Horjoogayaal kooxda Shabaabka u qaabilsan gobolka ay colaaddu daashatay ee Shabeellaha Hoose.

Waxeyna sheegeen iney horgeyn doonaan Cadaalada ( Maxkamada), Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya, qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, balse Kooxda Shababka oo deggaanadaas laga qabsaday, ayaa weli saameyn muuqata ku leh goobahaas, iyagoo ka gaysta falal lidi ku ah amniga gobolka.

159650cookie-checkHowlgalo Lagu Qabtay Xubno Argagixisada Ka Tirsan Oo Ka Dhacay Sh/Hoose