Xawaaladihii Soomaalida Turkiga Oo Xayiraado Lagu Soo Rogay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Magaaladaasi ay xayiraado iyo cabsi gelin joogto ah ku hayaan Muwaadiniin Soomaalida Ee Xawaaladaha ku leh Magaalada, iyagoo ku soo rogay xayiraado..

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatada Soomaalida Ee Xawaaladaha ku leh Magaalada Ankara iyo qeybo ka mid ah Magaalada Istanbul lagu soo rogay iney xiraan Meheradahooda isla markaasna ay lacagaha ay u xawilaan Somalia iyo Dalalka kale ay ka diraan Bangiyada Dalkaasi, iyadoo amarkaasi ay bixiyeen Maamulada Xisbiyada Mucaaradka.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid cadaadis lagu saaraayo Ganacsatada Soomaaliyeed, Dowladda hoose ee Magaalada Ankara ayaa dacwad ka gudbisay Xawaaladaha Soomaalida, iyagoo ku eedeeyay iney si sharci darro ah ku shaqeystaan Dalka dhaqaale badan ka bixiyaan si sharci darro ah, waxeyna ku amreen Ciidamada Amaanka in la xiro xawaaladaha Soomaalida.

141800cookie-checkXawaaladihii Soomaalida Turkiga Oo Xayiraado Lagu Soo Rogay