USA & UK Oo Cadaadis ku Saaray Lafta gareen inuu Qabto Shirka dib u Heshiisiinta

Somalia news

Madaxtooyada Villa iyo Danjirayaasha shisheeye ee Dalka ka hawlgala ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ku cadaadinaya inuu si dhab ah u taageero baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee ah inay gogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan siyaasiyiinta degaanka…

Talabadaan ayaa waxay ka dambeysay, kadib markii ay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishaan.

Inkastoo Madaxweynuhu uu daba-yaaqadii bishii November uu taageeray baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, haddana waxa uu xilligan ka caga-jiidaya in gogosha wada hadalada lagu qabto Magaalada Baydhabo, waana xilli Gudoomiye Aadan Madoobe uu Magaalada Xudur u jooggo dadaalo uu ku xoojinayo baaqiisii dib-u-heshiisiinta.

Lafta gareen ayaa Talaadadii waxa uu Madaxtooyada Baydhaba ku qaabilay Danjiraha UK ee dalka, Kate Foster. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay u sheegtay in Doorashada Madaxtooyada ay tahay in xilligeeda ku qabsoomto, waxaana Laftagareen lagu adkeeyay in taageerada Dowladda Federaalka iyo midda caalamkaba ay ku sii jiri karto, iyadoo aanu maamulkiisu wax colaad ahi ka dhex abuurin dadka degaanka, xilli dalku uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Shabaabka.

Si kastaba ha-ahaatee Dadka reer Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujinaya waxa xiggi doona, haddii uu dhammaado waqtiga Madaxweynaha, wax doorashado ahna aan la qaban.

231110cookie-checkUSA & UK Oo Cadaadis ku Saaray Lafta gareen inuu Qabto Shirka dib u Heshiisiinta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com